LLC English
Fansoor

Caawimada Fansoor

Caawimo ku saabsan akoonkaaga Fansoor, daarista heesaha, liisaska iyo bogagga fannaaniinta. Fansoor waxaa maamusha Rajo LLC.

La xiriir caawimada

Iimayl: [email protected]
Ama isticmaal foomka xiriirka. Waxaan ku jawaabnaa Ingiriisi ama Af-Soomaali, inta badan laba maalmood oo shaqo gudahood.

Ma ku jirtaa akoonkaaga Fansoor? Isticmaal Help ee liiska Fansoor (fansoor.com/help).

Su'aalaha caadiga ah

Sideen isu diiwaangeliyaa?

Fur fansoor.com oo dooro Sign up. Waxaad isticmaali kartaa Google, iimayl ama lambar telefoon. Is-diiwaangelintu waa bilaash.

Hees ma daarmayso.

Heesaha badankoodu waxay ka dhacaan kanaalka rasmiga ah ee fannaanka. Haddii kanaalku fiidiyowga ka saaray, ama aan laga heli karin waddankaaga, heestu ma daarmi karto. Isku day hees kale, kadibna noo sheeg tii aan shaqayn.

Sideen u sameeyaa liis?

Gal akoonkaaga, riix + ee ku ag yaal heesta oo dooro New playlist, ama dooro liis aad hore u lahayd. Liisaskaagu waxay ku jiraan Maktabaddaada (Your Library).

Waxaan ahay fannaan. Sideen u maamulaa boggayga?

Isticmaal Fansoor for Artists ee fansoor.com, ama noo soo qor magacaaga iyo xiriirka kanaalkaaga rasmiga ah, waxaanan kaa caawin doonnaa xaqiijinta boggaaga.

Sideen u tirtiraa akoonkayga?

Eeg Tirtir akoonkaaga Fansoor si aad u ogaato tallaabooyinka iyo waxa la tirtiro.